Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka

Date:

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS  Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo xog-wareysi la xarriira shaqada ay qabtaan waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.

Xoghayaha iyo Agaasime waxeedyada ayaa isla falanqeeyey sida hufan ee looga wada shaqeyn karo horumarinta Golaha Shacabka waxaana uu xoghayaha guud ee golaha sheegay in uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Agaasime waaxeedyada iyo howlwaddeennada golaha,sidoo kalena howlwaddeennada la siin doono tababaro aqoontooda iyo tayadooda kor loogu qaadayo.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ahmiyad gaar ah siinaya  in Goluhu yeesho adeegyo caafimaad oo tayo leh ayaa adkeeyey in la xoojiyo sidii uu golaha shacabka u yeelan lahaa qeyb u gaar ah Adeegyada Caafimaadka, kaas oo loogu tala galay adaxda iyo shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...