Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka

Date:

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS  Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo xog-wareysi la xarriira shaqada ay qabtaan waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.

Xoghayaha iyo Agaasime waxeedyada ayaa isla falanqeeyey sida hufan ee looga wada shaqeyn karo horumarinta Golaha Shacabka waxaana uu xoghayaha guud ee golaha sheegay in uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Agaasime waaxeedyada iyo howlwaddeennada golaha,sidoo kalena howlwaddeennada la siin doono tababaro aqoontooda iyo tayadooda kor loogu qaadayo.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ahmiyad gaar ah siinaya  in Goluhu yeesho adeegyo caafimaad oo tayo leh ayaa adkeeyey in la xoojiyo sidii uu golaha shacabka u yeelan lahaa qeyb u gaar ah Adeegyada Caafimaadka, kaas oo loogu tala galay adaxda iyo shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...