Puntland oo bilaawday heshiisiinta beelo dagaalamay

Date:

Shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii ka dhacday Saax-maygaag iyo Senge-jebiye ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo caasimadda Garoowe.

 

Shirkan oo ay hormuud u yihiin isimada dhaqanka Puntland ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac.

 

Wararku waxay sheegayaan in dhinacyadii colaaddu dhexmartay looga yeeray min 21 xubnood oo ergo ah si ay goob-joog uga noqdaan go’aannada laga soo saarayo shirkan nabdaynta.

 

Shirkan ayaa daba socda shirar hore oo lagu dhex-dhexaadinayay dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag islamarkaana qaarkood laga soo saaray go’aanno nabadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...