Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaarihii hore dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo mas’uuliyiin golayaasha dowladda ayaa Masjidka isbaheysiga islaamka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto xildhibaan hore Daahir Xasan Gutaale.
Alle ha u naxariisto xildhibaan hore Daahir Xasan Gutaale waxa uu ahaa muwaadin xiliyo adag usoo shaqeeyay qaranka kaas oo shalay ku geriyooday Dalka India.