Dad tahriibeyaal ah oo lagu gubay xeebta Liibiya

Date:

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay inay u badan tahay in muhaajiriintaas ay ku dhinteen dagaal u dhexeeyay laba koox oo “magafayaal” ah.

Liibiya ayaa sanadihii la soo dhaafay marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xukuumadda Liibiya inay baaritaan ku samayso falkaas, ayna sharciga la tiigsato kuwa ka dambeeyay.

Warbaahinta Liibiya ayaa ku warramaysa in kadib muran dhexmaray laba koox oo “magafayaal ah” ay mid kamid ah toogatay dadkaas tahriibiyay, kadibna ay doonta ku gubtay.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Afrikaan ka yimid Koonfurta qaaradda.

Weli waxaa xooggan dowrka tahriibinta ee ay leeyihiin magafayaasha ka shaqeysta magaalada galbeedka Liibiya ku taalla ee Sabratha oo qiyaastii 300 KM u jirta jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta ayaa marar badan tabiyay in kooxahaas ay qaab bani’aadannimada ka baxsan ay ula dhaqmaan dadka doonaya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka.

BBC XIGASHO.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...