Madaxweynaha Hiirshabelle oo Gaaray degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku  qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo argagixisada arxanka daran ee alshabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga xureeyay kooxaha argagixisada.

 

 

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada lagu ciribtirayo argagixisada cadowga ah ee u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

default

default

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye Sare ee rrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan...

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...