Dad tahriibeyaal ah oo lagu gubay xeebta Liibiya

Date:

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay inay u badan tahay in muhaajiriintaas ay ku dhinteen dagaal u dhexeeyay laba koox oo “magafayaal” ah.

Liibiya ayaa sanadihii la soo dhaafay marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xukuumadda Liibiya inay baaritaan ku samayso falkaas, ayna sharciga la tiigsato kuwa ka dambeeyay.

Warbaahinta Liibiya ayaa ku warramaysa in kadib muran dhexmaray laba koox oo “magafayaal ah” ay mid kamid ah toogatay dadkaas tahriibiyay, kadibna ay doonta ku gubtay.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Afrikaan ka yimid Koonfurta qaaradda.

Weli waxaa xooggan dowrka tahriibinta ee ay leeyihiin magafayaasha ka shaqeysta magaalada galbeedka Liibiya ku taalla ee Sabratha oo qiyaastii 300 KM u jirta jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta ayaa marar badan tabiyay in kooxahaas ay qaab bani’aadannimada ka baxsan ay ula dhaqmaan dadka doonaya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka.

BBC XIGASHO.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....