Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

Date:

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, u qaabilsan  Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho ku jooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Canada HoruHarjit Sajjan.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Wasiirka kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha ka jira  Soomaaliya, sido kale Ergayga waxuu ka codsaday Wasiirka  sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...