Madaxweynaha Hiirshabelle oo Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS kala hadlay howlgalada lagu baacsanayo argagixisada iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgaladaas

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee Atmis.

Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyaasha Guutooyinka 3aad iyo 4aad ee Ciidanka XDS, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu baacsanayo argagixisada iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgalada argagixisada alshabaab looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle,
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada alshabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago ciribtirka argagixisada cadowga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...