Madaxweynaha Hiirshabelle oo Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS kala hadlay howlgalada lagu baacsanayo argagixisada iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgaladaas

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee Atmis.

Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyaasha Guutooyinka 3aad iyo 4aad ee Ciidanka XDS, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu baacsanayo argagixisada iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgalada argagixisada alshabaab looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle,
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada alshabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago ciribtirka argagixisada cadowga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...