Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

Date:

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, u qaabilsan  Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho ku jooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Canada HoruHarjit Sajjan.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Wasiirka kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha ka jira  Soomaaliya, sido kale Ergayga waxuu ka codsaday Wasiirka  sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...