Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland oo si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan ku dhafka Maareeynta Kheyraadka Biyaha

Date:

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Hussein Baraki ayaa si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan is oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo kaa soo socon doono muddo 5 maalin ah, 18-22 September, 2022.

Tababarkaan ayaa iska Kaashanaya Wasaaraad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Tababarkaa ayaa ujadasiisu tahay in kor looqaado awoodda Hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee arimaha Maareeynta Kheyraadka Biyaha si loo gaaro hadafka guud iyo hiigsiga Wasaaradda oo ah in kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.

Waxaana ka soo qeyb galay Tababarka masuuiyiin ka socday Wasaaradaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubaland , arday ka socotay Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan Ururada Bulshada rayidka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ka soo qeyb galay furitaanka Tababarkaan ayaa Tilmaamay Faa’idada tababarkaan u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ahmed Hussein Baraki Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad Goboleedka Jubaland oo tababarkaan daahfurayay ayaa u rajeeyay ka soo qayab galayaasha in si wanaagsan Tababarka looga Faa ‘ideysto

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...