Madaxda caalamka oo ku sii qul-qulaya UK si ay uga qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth

Date:

Boqor Charles ayaa maanta boqollaal madaxda caalamka ah iyo marti sharafeed boqortooyooyinka dunida ka socda kula kulmi doona qasriga Buckingham , iyadoo maalinta berri ah loo diyaar garoobayo aaska boqorad Elizabeth.

Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan waxaa ka mid ah madaxweyne Biden. Biden oo xalay gaaray London wuxuu ka mid yahay ilaa shan boqol oo madaxda dalalka adduunka ah iyo marti sharafeed kale oo la filayo inay munaasabadda ka qeyb galaan. waxaa sidoo kale ah London ku sugan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Hindiya.

Raysal wasaareyaasha Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna ka mid ah madaxda ku sugan Londona.

Xaaska boqor Charles, Camilla, ayaa khudbad la sii duubay uga qyeb qaadaneysa macsalaameynta boqoradda.

Raysal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay inay la kulmi doonto boqorka, amiirka  Wales iyo raysal wasaaraha Britain kahor aaska booqradda, iyo in sidoo kale ay Westminster Hall uga qeyb galeyso munaasabadda aaska.

Iyadoo ku sugan UK, oo ay u timid aaska boqoradda, ayaa Arden waxay sheegtay in dadka reer New Zealand ay ka siddo tacsi.

Waxay sidoo kale sheegtay inay la kulmi doonto raysal wasaaraha Britain Liz Truss.

Waxay intaa raacisay in laga yaabo inay kala xaajooto  arrimaha Ukraine iyo heshiiska ganacsiga xorta ah ee UK iyo New Zealand.

Baarlamaanka UK ayaa dhanka kale xaqiijiyay in maxdaxda Shiinaha lagu casuumi doono ka qeyb galka aaska boqoradda.

Safiirka shiinaha ee UK ayaa laga mamnuucay baarlamaanka UK sababo la xiriira cunaqabateyn uu shiinuhu saaray shan xildhibaan oo UK u dhashay.

Iyadoo mamnuuciddaas ay meel taallo ayaa baarlamaanka UK wuxuu sheegay inaysan saameyn doonin saraakiisha kale.

Madaxweynaha shiinaha Xi Jinping ayaa ku jira liiska martida lagu causumay aaska booqradda balse looma maleynayo inuu ka soo qeyb galayo.

Dhammaan dalalka uu xiriirka diblomaaisyadeed kala dhaxeeyo UK ayaa lagu casuumaa munaasabadaha aaska qaran ee dalkaas.

 

Dhaxal sugaha booqrtooyada Sacuudiga Maxammed Bin Salmaan ayaa isaguna ka mid ah martida lagu casuumay aaska, inkastoo ay cabasho ka timuid kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo...

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay...

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub...

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi...