Horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorshaysan ka dhacay degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose.

Date:

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska XDS ayaa  howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak oo ahaa barta ugu wayn ee gobalka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ay ku aruurinayeen Lacagaha ay baada ay uga qaadaan shacabka gobalkaas ku nool iyo dadka masaafurka ah ee adeegsada wadadaas.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa horjeege ku xigeenkii maleeshiyadaan ee deegaanka Mubaarak, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan maleeshiyadaan oo ay ku jiraan Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii ugu sareeyay maleeshiyada ee deegaanka Mubaarak iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ow Maay Kaas oo maleeshiyadaan u qaabilsanaa dhaqaale aruurinta.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Maalmihii danbe waxaa si weyn u kordhay howlgalada algu bacsanayo kooxda Al-shabaab kaas oo si saf balaraan ah uga socda gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...