Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo maanta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale

Date:

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka,.
Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...