Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Saleemaan Sheekh Cumar

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri  “Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda UK  ay door muuqda oo muhiim ah ku leedahay barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...