Shirka Istiraatiijiyadda Isbadalka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD Oo ka furmay Mombasa Kenya

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada DFS, ayaa ka qayb galay shirka hadlayo Istiraatajiyadda Isbeddelka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD shirkaas oo lagu soo gunaanaday Magaalada Mombasa-Kenya 26.08.2022.

Shirka oo ay ka qaybgaleen hey’ada kala gadisan oo ka socda Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu meel mariyay Istiraatiyadda Isbeddelka Cimilada ee Wadamada IGAD.
Agaasimaha Guud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay ayaa iftiimiyay saamaynta isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Isbeddelka cimiladu waxa ay si ba’an u saamaysay dadka ku nool gobolka IGAD, waxayna khatar ku tahay hab-nololeedyada bulshada gobolka oo dhan.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ay wadamada gobolku yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha baaxadda leh ee ka dhasha cimilada isbadalaysa.

Istaraatiijiyada Isbeddelka Cimilada ee IGAD iyo Qorshe Hawleedka ku lifaaqan waa istaraatijiyad lagama maarmaan ah oo gacan ka gaysan doonta dadaalka ay dalalka gobalku ugu jiraan wax ka qabashada saamaynta isbaddelka cimilada.

Istaraatajiyaddu waxa ay xooga saaraysaa la-qabsiga isbaddelka cimilada iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa 11 waaxood oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Kheyraadka Badda, Dhirta iyo Noolaha kala duwan iyo Kaabayaasha dhaqaale. Waaxyahaasi waxa ay muhiim u yihiin dhaqaalaha gobolka iyo kan dalkeena Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay qayb firfircoon ka qaadaynaysaa sidii loo dhaqan galin lahaa Istaraatajiyadaas waddamada IGAD ay ansixiyeen. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay dejin doontaa Istaraatajiyad gaar u ah dalkeena taas oo ku salaysan Istaraatajiyadda guud ee gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...