Ra’iisalwasare Hamse oo balan qaad u sameyey dadkii ku wax yeeloobay Qarixii Hotel Hayaat

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...