Qaraxyo qasaaro uu Dad rayid ah kasoo gaaray oo ka dhacay Deegaanka Cabdala Biroole ee Duleedka Kismaayo

Date:

Wararka naga soo gaaraya Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo fara badan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa 11 Qarax oo ay ku dhinteen Dad iyo Xoolo islamarkaana ahayd nooca culeeska ku qaraxda ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeeysa Buula Xaaji iyo Kismaayo gaar ahaan Nawaaxiga Biroole.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada badi ay qabsadeen Gaadiid ku safrayay wadadaas, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah oo u badan xoolo dhaqato.

Dhimashada ayaa haatan mareyso ilaa 4qof halka dhaawaca uu ka badanyahay ilaa 11 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...