Gudoomiyaasha Gobolka Mudug oo Fuliyay Howlgal Wadajir ah.(SAWIRO).

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed xuseen Shire Bukhaari oo wehlinayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Galmudug Eng. Maxamed Cabdi Cilmi iyo Saraakiisha Booliiska Gobolka ee Labada dhinac ayaa maantay kormeer ku tagay Degaanada Bardo dheere, Bohosha iyo Maxjarka oo dad ay ka wadeen degaamayn cusub oo maamulku aysan waxba ka ogayn.

Kormeerkaan ayaa salka ku hayay kadib dhaqan galinta qodobada shalay laga soo saaray Shirka amniga oo Gaalkacyo ay ku yeesheen maamulada iyo laamaha amniga.

Socdaalkaan waxaa Qeyb ka ahaa Laamaha Amaanka kuwaa Horey ugu Heshiiyay Iskaashiga amni ee Gobolka.

Dhawaan ayay ahayd markii Gudoomiyaha Gobolka Galmudug Ahmed Shire Bukhari iyo Dhiggiisa Puntland Feysal Sheikh Cali aay Heshiis Ku Gaareen Iskaashiga Amniga Gobolka iyo Horumarka Labada Maamul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...