Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo la wareegtay maamulka Isbitaalka Guud ee gobolka Galgaduud

Date:

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlad gobaleedka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa ka qayb galey munaasabadan oo wasaraddu ay kula wareegeysay shaqada isbitaalka guud ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen wasiirro, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo gudoomiyaasha gobolka iyo kan magaalada  Dhuusamareeb, ayaa lagu amaanay shaqadii isbitaalka uu bulshada u hayay, sidokale dhamaan dadka madasha ka hadley ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanaa isbadalkan si loo laba jibaarro shaqada isbitaalka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa balan qaaday in Wasaraddiisa awoodeeda isugu geyn doonto sidii Isbitaalkan uu noqon lahaa mid laga helo adeeg caafimaad oo aad u tayo sare leh.

Mas’uuliyiinta munaasabadan ka qayb gashay ayaa Wadajir u kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sida qeybha Jiifka, Dawada, Tallaalka iyo Dhismayaasha kale ee Isbitaalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo La Wareegtay Awoodda Garsoorka ee Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee...

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi...

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay qoysaska ay abaartu sameysay ee ku nool gobolka Hiiraan

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay bulshada ku dhaqan...