MUQDISHO-23-7-2022-:Qarax nuuca miinada ah oo dad badan oo isku qoys u badan ay ku dhinteen ayaa maanta ka dhacay xadka ay wadagaan Gobolka Galgaduud iyo dalka Itoobiya si gaar ah deegaanka Dhabad.
Inta la xaqiijiyey qaraxaan waxaa ku geeriyoday in kabadan 10 qof wallow meydadka lakala aqoon san layahay.
Dadkaan ayaa u soo socday dhanka deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud iyaga oo ka yimid dhanka gobolka Soomaalida itoobiya.
Gaariga Qaraxa uu haleelay ayaa ahaa nuuciisa kuwa raaxada ah ee barabogista
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid hore loogu aasay xilliyadii dagaalka uu dhexmaray Dowladdii dhexe ee dalka iyo tan itoobiya.
Guddoomiyaha deegaanka Dhabad Aadan Abdinuur Ayaa u waramay Yoonis Duraan Ali isaga oo faah-faahinaya Qaraxaan.