Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho, Luulyo 18. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay sagootinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan miro-dhalka ah ee uu ku tagay dalkaas iyo wadahadalladii ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka markhaati kacday walaalnimada iyo wada jirka ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyey mudnaanta ay siineyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda, taas oo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganaa Jabuuti waxa uu kulan la qaatay walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeediyey Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, ugana xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...