Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo maanta kormeeray xarunta ay ka socoto saxista Imtixaanka fasalka 12,aad ee dugsiga Sare

Date:

Muqdisho-18-7-2022:Wasiirka waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji, oo uu wehliyo Wasiiro dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda, Hon. Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mohamed Abbi Hassan, iyo tiro kamida agaasima-yaasha Waaxyaha ayaa kormeeray xarunta ay ka socoto saxista Imtixaanka fasalka 12,aad ee dugsiga Sare kaasi oo natiijadiisa lagu dhawaaqi doono dhowaan.

Wasiirka Waxbarashadda oo la hadlay macalimiinta Saxaysay Imtixaanka, ayaa kula dar-daarmay in ay masuuliyad buuxda iska saaraan u cadaalad falista ardayda Soomaaliyeed maadama natiijada imtixaanku ay qeyb wayn ka tahay mustaqbalka dalka, kan ardayga.

Wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay qaado imtixaanka mideysan ee dugsiga sare sanadkii 8’aad oo xariir, ayada oo mudooyinkaas dalku sameeyay horumaro Waxbarasho sidoo kalana la meel mariyay sharciyo lagu hormarinaayo tayada Waxbarashadda dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...