(SAWIRO)Ciidamada DANAB oo gobolka Jubbada hoose ku dilay Horjogayaal katirsan Al-Shabaab kuwa kalana nolasha ku qabtay

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Degaankan ayey Aragagixisadu ku lahayeen bar kantarool oo ay lacag baad ah uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawad oo dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...