Madaxweynaha Galmudug oo Guddoomiyey shir looga hadlayey amniga deegaanada maamulkaas

Date:

Muqdisho-17-7-2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee Dowladda Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Aqalka madaxtooyada Galmudug.

Shirkan oo lagu lafa gurayay amniga deegaanada Galmudug ayaa daba socda safar dhawaan uu madaxweynaha Galmudug ku tagay deegaanada furimaha ah iyo goobihii lagula dagaalamay argagixisada, kuwaas oo uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye kula soo kulmay shacabka iyo maamulka deegaanadaas.

Shirkan looga hadlayay amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlada amniga ahna kusimaha wasiirka amniga, labada gudoomiye ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, saraakiisha ciidamada ATMIS, saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa sarana loogu qaadi lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka Galmudug, iyadoo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu warbixino iyo xogo amni ka dhageestay saraakiisha kala duwan ee ka soo qeyb galay shirka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka, sida geesinimada leh ee ay uga hortagaan falalka kadhanka ah aminiga, sidoo kalana waxuu ku booriyay ciidamada xoojinta baacsiga har iyo habeen ay ku hayaan argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...