MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA JAMHUURIYADDA JABUUTI ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO KULAN YEESHAY

Date:

Muqdisho,Luulyo 17, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa si qotodheer uga hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne oo yeeshay kulan ay ku lafagureen adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka ayaa xusay in ay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan. Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.”

Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.

“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...