Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Date:

MUQDISHO-16-7-2022-:Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Abdel bin Abdulrahman Al-Assumi, ayaa waxaa uu la wadaagay dalalka Carabta iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah inay Soomaaliya ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Adel bin Abdulrahman Al-Assumi, oo asagana dhankiisa ka codsaday dalalka Carabta in ay gacan ka geystaan ​​sidii Shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa abaaraha ka jira degaanada Soomaaliyeed oo sanadkii saddexaad xiriir ah abaaro daba dheeraadey jiraan.

 

Wadahadalan ayaa ka dambeyay ka dib kulankii ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Adel bin Abdul Rahman Al Asoomi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen. sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Barlaamanka Carabta ayaa soo hadal qaaday mowqifka adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aaddan in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagaan marxaladaha xasaasiga ah ee ay ku jirto ka hortagga abaaraha, dadaallada dib lagu yagleelayo amniga iyo xasiloonida iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, si uu uga gudbo caqabadaha dhan walba leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay madasha UNCC ee COP29

Waxaan khudbad ka jeediyay madasha UNCC ee #COP29, anigoo...

Kulan la tashi ah oo ku saabsan hindisaha xeerarka ururada iyo xisbiyadda oo lagu qabtay Muqdisho 

Qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta xisbiyada...

Wasiirka Degaanka XFS oo khudbad ka jeesiday madasha IOM ee Shirweynaha COP29

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeygalay shir-weynaha Caalamiga ah ee COP29

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo...