Ciidamada Israa’iil oo duqeeymo ka geeystay marinka Gaza

Date:

MUQDISHO-16-7-2022-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeymo ka geeystay  subaxnimadii hore ee saakay qeybo kamid ah maga marinka Qaza, kadib markii ay shegeen inay ogaadeen in goobaha ay duqeyeen laga soo tuuray labo Gantaal.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goob ku yaallo Qaza, oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas.

 

Goob joogayaal ku sugan Qaza ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada, kuwaasi oo aan la la sheegin waxyeelada ay geysteen.

 

Geesta kale, afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa  wax iska caabbinta Xamaas ayaa sheegay in duqaynta ciidanka Yahuudda ay ka geeysteen marinka Gaza uu ka mid yahay dambiyada argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...