Dab ba’an oo ka kacay keymo ku yaalla Mediterranean-ka

Date:

MUQDISHO-16-7-2022-:Dabka ayaa ku faafay waqooyiga BortuqiiskaImage caption: Dabka ayaa ku faafay waqooyiga Bortuqiiska.

Kumanaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa daalaa dhacayaa daminta dab ka kacay dalalka Bortuqiiska, Spain iyo koonfur galbeed dalalka Faransiiska xilli dabka uu si xawaare leh u baahayo.

 

Waqooyiga Bortuqiiska, waxaa ku dhintay duuliyaha diyaarad ka qeyb qaadaneysay daminta dabka ku baahay deegaanka Foz oo u dhaw xadka Spain.

 

Dhinaca kale, dabka ayaa ku faafay gobolka Gironde ee dalka Faransiiska halkaas oo laga daadgureeyay in ka badan 12,000 qof.

 

Koonfurta Spain meel u dhaw gobolka Costa del Sol, waxaa halkaa isaga cararay dad ku dhaw 23,000 qof xilli dabka uu kusii baahayo keymaha ku yaalla buuraha Mijas.

Xigasho-BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...