Sii hayaha wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo masuliyiin katirsan Gambia iyo Ghana kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadaas dal iyo Soomaaliya

Date:

MUQDISHO-16-7-2022:Sii hayaha Wasiirka, ahna Wasiir Dawlaha Wasaarada Arimaha Dibada somaaliya  ee DFS Mudane Balal Mohamed Cusman iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Is-dhexgalka Gobolka ee u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyada Ghana, Mudane Kwaku Ampratwum-Sarpong ayaa kulan ku yeeshey magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Kulankaas oo looga Hadley sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada wadan.

Dhinaca kale wasiir Balal ayaa la kulmay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jamhuuriyadda Gambia Dr. Mamadou Tangram,  kulankaan ayaa isna ka dhacay magaalada Lusaka/Zambia.

Kulankaa labada wasiir ayaa isna looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

 

Kulankaan ayaa yimid kadib markii uu soodhamadaay shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan Golaha Fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...