Madaxweyne Xasan oo Kulan Miro dhal ah laqaatay Dhiggiisa Kenya (Sawiro).

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya, iyadoo la soo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaandoonta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan waxsoosaarka kalluunka dalkeenna, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...