(SAWIRO)Madaxweyne Qoor-qoor oo booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug

Date:

Muqdisho,11,7,2022:Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid yahay wasiir dowlaha amniga Galmudug, ahna kusimaha wasiirka amniga ayaa booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta, isagoona warbixinno ka dhageestay saraakiisha iyo wax garadka degmada Wisil, taas oo ku aadan xaaladda guud ee amniga degmada Wisil iyo deegaanada hoos yimaada halkaas oo lagu jabiyay kooxaha argagixisada.

Dhanka kale madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ku boorriyay ciidamada in ay laba jibaaraan dadaalada kooxaha argagixisada looga sifeenayo Galmudug, loogana hortagayo inay uga gudbaan deegaanada Soomaalida ee dariska la ah Galmudug, sidoo kalana waxa uu carrabka ku adkeeyay in argagixisada loogu tagi doono goobaha ay kasoo duulaan, lagana xorayn doono shacabka ay ku gumaadayaan deeganaada ay haatan ku suganyihiin argagixisadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...