Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Degmada Wasil ee Gobolka Mudug

Date:

Muqdisho,11,7,2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay soo gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay degmada Wisil.

Madaxweynaha oo lahadlay shacabka degmada Wisil ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Wisil oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada, sidoo kalana uga difaaceen deegaanada dariska la ah Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xusay in goor dhow golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo ganacsatada Galmudug in ay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug ee abaartu saameesay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...