[DHAGEYSO+SAWIRO]Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug oo qeylo dhaan ka muujiyey Abaaraha ka jira deeganada Gobolkaas

Date:

MUQDISHO-05-7-2022-:Guddoomiyaha Gobolka  Mudug iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug oo safar lagu kormeerayey Xaaladda Abaaraha ku Maray Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug.

Wafdi uu hugaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Hussein shire (Bukhaari) ayna ku wehlinayeen Xildhibaan Maxamed Tahliil Calool geel, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Odayaal dhaqan ayaa maanta kormeeray Deegaanada Bandarqaali, Cali Carab Bandarseed, Naara-jiinle ,Xalaawi ,Miro dheero,Doorshaanle iyo Dhuure oo dhamaan dhaca Bari Gobolka mudug.

 

Safarkaan ayaa u jeedkiisu ahaa u kuurgalida Baahiyaha Bulshada Deegandas ku nool iyo qeymaynta xaaladda Abaaraha waxaana Wafdigan dhamaan Deganadaas ku soo dhaweeyay Maamulada iyo Bulshooyinka halkaas ku nool.

Maamulka iyo Odayaasha Deegaanka Bandarseed ayaa tilmaamay inay jirto Xaalad Adag oo dhanka Biyaha iyo Caafimaadka ah.

 

Dhamaan Deegaanadaas ayaa Dadka iyo Duunyadu waxay wajahayaan Xaalad Adag ee dhanka Biyaha, Caafimaadka ,Daaqa, Waxbarashada iyo Nafaqadaro.

DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA MUDUG.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...