[DHAGEYSO+SAWIRO]Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug oo qeylo dhaan ka muujiyey Abaaraha ka jira deeganada Gobolkaas

Date:

MUQDISHO-05-7-2022-:Guddoomiyaha Gobolka  Mudug iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug oo safar lagu kormeerayey Xaaladda Abaaraha ku Maray Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug.

Wafdi uu hugaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Hussein shire (Bukhaari) ayna ku wehlinayeen Xildhibaan Maxamed Tahliil Calool geel, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Odayaal dhaqan ayaa maanta kormeeray Deegaanada Bandarqaali, Cali Carab Bandarseed, Naara-jiinle ,Xalaawi ,Miro dheero,Doorshaanle iyo Dhuure oo dhamaan dhaca Bari Gobolka mudug.

 

Safarkaan ayaa u jeedkiisu ahaa u kuurgalida Baahiyaha Bulshada Deegandas ku nool iyo qeymaynta xaaladda Abaaraha waxaana Wafdigan dhamaan Deganadaas ku soo dhaweeyay Maamulada iyo Bulshooyinka halkaas ku nool.

Maamulka iyo Odayaasha Deegaanka Bandarseed ayaa tilmaamay inay jirto Xaalad Adag oo dhanka Biyaha iyo Caafimaadka ah.

 

Dhamaan Deegaanadaas ayaa Dadka iyo Duunyadu waxay wajahayaan Xaalad Adag ee dhanka Biyaha, Caafimaadka ,Daaqa, Waxbarashada iyo Nafaqadaro.

DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA MUDUG.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...