[DAAWO]Ciidanka Gaarka ah ee NISA oo howlgallo ka sameeyay qeybo katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho

Date:

MUQDISHO-5-7-2022-:Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.
Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.
Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...