Abdirahman abdishakuur “oo sheegay in xalaad liidato oo dhanka nolosha ay ka jirto Magaalada Bardheere

Date:

Muqdisho,04,7,2022:Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha C/raxmaan C/shakuur oo uu wehliyay Safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya Hassan Hamse iyo xubno ka socday Hey’adda Qatar Charity ayaa maanta booqday degmada Baardheere oo ka mid ah deegaanada abaarta saameysay, waxaana ku soo barakacay illaa 28 kun oo degan illaa 21 xero:

Deeq gargaar oo Hey’adda Qatar Charity ka timid ayaa la gaarsiiyay qoysaskaas, waxaana carruurta xeryaha ku sugan laga soo sheegayaa in xaalad macluul qarka u saaran yihiin.

Safarkaan maanta Ergayga, waxaa  ku  wehliyey xubo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha , Safiirka Dowladda Qatar iyo masuuliyiin sare oo ka socotay hay’ada Qatar Al- khayriya.

Ergayga ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyed, deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo walaalaha carbeed ee kari kara in ay gurmad degdeg ah la soo gaaraan Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarahu ku habsadeen.

Ergayga ayaa hore sidaan oo Kale u booqday degaano katirsan gobolada dalka oo abaraha sameeyeen.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...