Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga

Date:

MUQDISHO4-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda
Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...