Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo maanta la kulantay xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Date:

Muqdisho,3,7,2022:Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Abdinasir Mukhtar Ibrahim iyo qaar kamida Agaasimayaasha waaxaha ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) iyo Xoghayaha Guudiga NHPC.

Dhanka kale Wasiir Dr. Fawziya iyo Dr. Abdinasir Agaasima Guud ee Wasaaradda ayaa warbixin ku saabsan shaqooyinkii u qabsoomay Golaha ka dhageystay Xoghayaha Guud ee Guddiga Dr. Abdirizak.

Prof. Mohamed Yusuf Hassan Guddoomiyaha Guddiga Golaha NHPC ayaa kahadlay taariikhda iyo heerarka kala duwanaa ee uu soo maray Nidaamka Caafimaadka Wadanka Xoriyadii kahor 1960-kii iyo intii ka danbeeysay.

Sidoo kale waxaa kulanka kahadlay Xubnaha Golaha Guddiga, Agaasimayaasha Waaxaha, iyadoo ugu danbeyntii Wasiir Dr. Fawziya iyo Dr. Abdinasir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa siwadajir ugu mahadceliyeen Golaha iyo Guddoonka waxeyna u rajeyay in Ilaahay u Fududeeyo Shaqada loo igmaday oo ah mid aad muhiim u ah loona baahanyahay in la dedejiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...