Kulan Looga Hadlayay Amniga Gobalka Mudug Oo Lagu Qabtay Galkacyo+SAWIRO.

Date:

Kulanka amniga gobalka mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Kusimaha Gudoomiyaha gobolka mudug ee Putland xasan wardheere
Gudoomiye kuxigeenka gobolka mudug ee galmudug Axmed maxamed shire Qoodaar
Duqa Dagmada Galkcyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale duqa dagmada galkacyo ee Puntland injineer maxamuud cabdi nuur aadan
Taliyaha qaybta booliska Putland G/sare Muumin Cabdi Shire
Taliyaha saldhiga dagmada Galkcyo ee Galmudug dhamme cali xirsi sahal iyo saraakiil ka socatay ciidanka sirdoonka qaranka NISA Qeybtooda Galmudug

Ajandaha kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanayay amniga guud ee gobolka mudug iyo sidii labada maamul ay usii xoojin lahaayeen olalaha la dagaalanka argagixisada ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha

Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uusoo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiye ku xigeenka gobalka mudug ee puntand iyo gudoomiye ku xigeenka gobalka ee Galmudug kuwaas oo xusay in kulanka looga hadlay wixii ka qabsoomay qodabadii kasoo baxay kulankaan kii ka horeeyay sidoo kalana looga arinsaday sidii loo sii ambaqaadi lahaa olalaha ciribtirka argagixisada iyo cid kasta oo qeyb ka noqata khal khal galinta amniga…

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...