Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheikh Hassan oo booqday xarunta maktabadda Guud ee Degmada Gaalkacyo.

Date:

MUQDISHO-JUUN-2022:Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Hassan Oo uu wehliyo lataliyaha waaxda arimaha bulshada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa galabtay booqday xarunta maktabadda Guud ee Degmada Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaana la kulmay Guddiga maktabadda Guud wuxuuna ku wareejiyay in ka badan 50 buug oo loogu tala galay in la dhigo maktabadda degmada si ay u ay uga faa’ideeystaan ardeyda iyo bulshada Magaalada Gaalkacyo.

 

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdirahmaan Sheikh Hassan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay si dhow uga warqabi doonaa goobaha muhiimada u leh bulshada degmada Gaalkacyo ay ka mid tahay maktabadda.

Maktabada ayaa ah mid dhalinyaro isxilqaamayaal ah ay ka hirgaliyeen Gaalkacyo sanado ka hor waxaana si lacag la’,aan ah uga faa’iideeystay maalin kasta boqalaal dhalin yaro ah kuwaas oo doonaya in ay aqoon ka korarsadaan buugta taala maktabada isla markaana ah kuwa isugu jirta kutubta culuumta diinta islaamka iyo buugta maadi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...