Shir Lagu Xoojinayey Wada Shaqaynta Booliska Nugaal Iyo Laamaha Garsoorka Ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Graoowe.

Date:

Muqdisho- 14 JUNE 2022: Maamulka Gobolka nugaal iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaas  ee mamulka Puntland  ayaa  Ka Qayb Galay Shir Lagu Xoojinayay Wada Shaqaynta Booliska Nugaal Iyo Laamaha Garsoorka Ee Puntland.

Shirkan oo uu shir gudominayay Gudomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Mudane Axmed Yuusuf Taaran waxa sido kale ka qayb galay Gudomiyaha Gobolka Nugaal,Xeer Ilaaliyaha Guud,Gudoonka Maxkamadda darajada 1aad ee Nugaal,Sarakiisha Booliska Nugaal Iyo Masuliyiinta Danbi Barayaasha Booliska  ee (C.I.D).

Shirkan ayaa aad loogu lafa guray wada shaqaynta laamaha amaanka Garowe iyo Garsoonka G.Nugaal waxaana warbixino looga dhagaystay taliyaasha Saldhigyada.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay laamaha Garsoonka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland siday u wada shaqeyaan isagoona sido kale faray taliyaasha saldhigyada in la dardar galiyo wadashaqaynta lamaha Garsoonka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...