Shir Lagu Xoojinayey Wada Shaqaynta Booliska Nugaal Iyo Laamaha Garsoorka Ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Graoowe.

Date:

Muqdisho- 14 JUNE 2022: Maamulka Gobolka nugaal iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaasย  ee mamulka Puntland ย ayaa ย Ka Qayb Galay Shir Lagu Xoojinayay Wada Shaqaynta Booliska Nugaal Iyo Laamaha Garsoorka Ee Puntland.

Shirkan oo uu shir gudominayay Gudomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Mudane Axmed Yuusuf Taaran waxa sido kale ka qayb galay Gudomiyaha Gobolka Nugaal,Xeer Ilaaliyaha Guud,Gudoonka Maxkamadda darajada 1aad ee Nugaal,Sarakiisha Booliska Nugaal Iyo Masuliyiinta Danbi Barayaasha Booliskaย  ee (C.I.D).

Shirkan ayaa aad loogu lafa guray wada shaqaynta laamaha amaanka Garowe iyo Garsoonka G.Nugaal waxaana warbixino looga dhagaystay taliyaasha Saldhigyada.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay laamaha Garsoonka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland siday u wada shaqeyaan isagoona sido kale faray taliyaasha saldhigyada in la dardar galiyo wadashaqaynta lamaha Garsoonka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale