Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanaadka shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Date:

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:27,299 ardey ayaa u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka iyo Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir ayaa furay Imtixaanka.

Ardeyga Dugsiyada Gobolka Banaadir ee u fariistay Imtixaanka ayaa ku galaya 69-goobood oo uu maamulka ugu talo galay in ardeyda ay Imtixaanka ku galaan.

 

Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay.

18-ka bishan juun ayaa sidoo kale ardeyda Shahaadiga Dugsiga sare ay u fariisan doonaan imtixaanka shahaadiga ee Qaranka, taas oo ardey badan oo wax ka barata dugsiyada Gobolka Banaadir ay ka qeyb qaadanayaan Imtixaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...