GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY ERGEYGA GAARKA AH EE GURMADKA ABAARAHA.

Date:

Muqdisho, Juun 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Goluhu waxa ay warbixin kaga dhageysteen Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la wadaagay Madaxda Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta qaar ka mid ah deegaannada dalka, caqabadaha ku gedaaman gurmadka, Istaraatiijiyadda ku aaddan xalka waara ee ka hortagga abaaraha iyo halka uu marayo qorsheyaasha ay dowladdu kaga jawaabeyso arrimaha abaaraha.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadaallada uu ku bixinayo isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah, waxa ayna isla qaateen in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha gurmadka Abaaraha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...