Madaxweynaha JFS oo Qodobo muhiim ah uga hadlay Khudbaddii Caleema saarkiisa +Sawirro

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii caleema saarkiisa ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah qodobada aas aasiga u ah dowladdiisa, sida xasillinta dalka, horumarinta nidaamka federalka, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada iyo sare u qaadidda iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay sida ay ahmiyad weyn ugu leedahay dowladnimada Soomaaliya wada shaqeyn iyo wadatashi uu dastuurka sal u yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
“Xasillooni siyaasadeed oo lagu gaaro wadatashi, wada ogol iyo wadajir ka dhexeeya hoggaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo markasta la tixgalinayo, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala .”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xiriirka ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya aduunka la yeelan karto uu yahay mid ku qotoma ganacsi iyo iskaashi dhaqaale isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaan in ay yihiin kuwo dhinaca hal abuurka ganacsi ku wanaagsan.
“Dadka Soomaaliyeed waa kuwo lagu yaqaan in ay aad ugu fiican yihiin baayac-muushtarka, iyaga oo dalal badan oo Afrika, Bariga Dhexe iyo kuwa Galbeedkaba ku leh ganacsiyo waa weyn oo qeyb libaax leh ka qaata kobcinta dhaqaalaha dalalkaas.”
Dhinaca amniga, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu sheegay in iskaashi lala yeesho dunida inteeda kale, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ay wax weyn ka tari doonto.
“Dalalka Geeska Africa, maanta waxaa haysta culeysyo amni oo ka imanaya kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in aan isku garabsanno si aan cadawga uga badbaadinno shacabkeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu xusay in Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya ay abaar ba’an oo isu bedeli karta macaluul ay ka jirto, taas oo saameysay boqolaal milyan oo dad ah, maadama ay abaartu noqotay mid dalka sanad walba ku soo noq noqota, sababna ay u yohiin arrimo badan oo isu tagay, waxa uu ballan qaaday in dowladdiisu ay ahmiyad weyn siin doonto si wax looga qabto.
“Waxaa arrimahaas (Abaaraha) sabab u ah dhibaatooyin is biirsaday, sida, is bedelka cimilada, burburka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo nuglaanta dowladnimo. Sidaas daraadeed, dowladeydu waxa ay dhisi doontaa xukuumad u xilsaaran arrimaha bay’ada.”
Madaxweynaha Jamhuuradda, Mudane Xassane Sheekh waxa uu sidoo kale bidhaanshay in dowlada ay ku shaqeyn doonto siyaasad arrimo dibadeed oo dhex dhexaad ah, ku saleysan in saaxiib lala noqdo dal walba oo ixtiraama madax bannaanida iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaa mabd’a aas aasi ah noo noqon doona siyaasad arrimo dibedeed oo dhex dhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loolanka caalamka ka jira, waxa aan saaxiibo la ahaan doonnaa dal walba oo diyaar u ah in uu ixtiraamo madax bannaanida dalkeena iyo mid ahaanshaha gayyigeeda.”
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
SNTV

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...