MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY MADAXDA DHAQANKA EE GALMUDUG.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay odayaasha warbixin guud oo ku saabsan xaaladaha kala gedisan ee deegaanka iyo arrimaha la xiriira dhab-u – heshiisiinta bulshada Galmudug.

 

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin isu soo dhaweynta ummadda, ayaa ku boorriyey sii wadadidda dadaalkooda, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdiisu ay mudnaan siin doonto dhab-u- heshiisiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...