Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo xalay xaflad soodhaweyn ah loogu sameeyey Dhuusamareeb.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay munaasabad si heersare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha JFS iyo wafdigii uu hogaaminayay oo shalay halkaas gaaray.

Munaasaadaan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal ah ,masuliyiin katirsan Galmudug ,Taliyaha ciidanka Xogga dalka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa”

Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...