Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal

Date:

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

 

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

 

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iran uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh caydhiin oo ku safrayey calanka dalka Iran, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanku isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.

 

 

 

Hawlgalkan ay Iran kula wareegtay labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan istaraatejiga ah muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha adduunka. Maaddaama Tehran ay kobcinayso uranium badan, oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka Nukliyeerka ee wax gumaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...