Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo deegaan katirsan gobolka shabeelada dhexe ku qabtay xubno katirsan Al-shabab.

Date:

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheeysan kaasi oo ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa khasaare xoogan lagu gaarsiiyay nabadiidka iyadoo laga gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka,
Sida saldhigii maxkamad beenaadki ay ku dhibaateeynjireen dadka shacabka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homay da loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen:Odowaa Yuusuf Raage
Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta argagixisada ay u soo maleegaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...