Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa magacaabay Lataliyeyaal Cusub.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne;

1. Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S.

2. Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S.

3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...