Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga oo 15 sano ka dib, booqasho rasmi ah ku tegey Israel.

Date:

QUDUS — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa Arbacadii booqasho ku tegey Israa’iil, taasoo qayb ka ah dadaallada la doonayo in lagu hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya dalka Turkiga iyo Israa’iil, kaas oo ay saamayn weyn ku yeelatay, taageerada xooggan ee dalka Turkigu uu u muujiyo qadiyadda Falastiiniyiinta.

Booqashada wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee uu masuul sare oo Turkish ahi ku tago Isaa’iil muddo 15 sano ah. Wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga ayaa sheegay in safarkiisu uu la xidhiidho caadiyeynta xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil iyo in wax laga qabto isfaham-waaga soo kala dhex galay labadaas dal, isagoo sheegay inay tahay in loo maro “hannaan horumar keenaya” oo gacan ka geysta in si nabad ah loo xalliyo colaadaha ka jira gobolkan.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday oo ku tukaday Masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus. Masaajidkan barakaysan ayaa ah goob muhiim u ah dadka Muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka.

Wasiir Cavusoglu ayaa sheegay in wadahadal dhex maray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Israa’iil Isaac Herzog ay gacan ka geysteen qaboojinta xiisaddii ka taagneyd magaalada Quddus intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, taasoo lasoo afjaray horraantii bishii May.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid, oo isla shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in labada dal “ay weligood yaqaaneen habka dib loogu bilaabi karo wada-hadallada iyo weliba in la iskaashado.”

Turkiga oo ay hadheeyeen dhibaatooyin dhaqaale ayaa isku dayaya inuu soo afjaro go’doominta caalamiga ah isagoo caadi ka dhigay xidhiidhka uu la leeyahay dhowr waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe, sida Masar, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

Wasiir Cavusoglu ayaa sidoo kale la kulmay saraakiisha Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo uu markale ku celiyay taageerada uu dalka Turkigu la barbar taagan yahay halgankooda ku aaddan sidii ay u heli lahaayeen dowlad madax-bannaan oo ka hareer dhisan Israa’iil.

Associated Press

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...